Tababare hore Fabio Capello oo soo layliyey kooxo badan oo reer Yurub sida Real Madrid, Juventus, AS Roma, xulka England, xulka Ruushka iyo naadiyo kala duwan ayaa ka adkaysan waayey wixii xalay ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu intii ay socotay ciyaartii El Clasico ee ay Real Madrid 3-2 ku garaacday Barcelona.
Fabio Capello oo laba jeer oo kala duwan oo uu layliyey Real Madrid u qaaday laba horyaal oo LaLiga ah, ayaa xalay dib ugu laabtay Santiago Bernabeu oo uu ku daawaday ciyaartii El Clasico ee Barcelona, waxaase uu si adag u canaantay ciyaartoyda Barcelona oo uu ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan dagaallamayn, sidoo kalena aan caawinayn tababarahooda.
Waraysi uu siiyey wargeyska Marca kaddib ciyaarta ayaa uu ku yidhi: “Aniga Madrid waa gurigaygii, waxaanan ku dareemaa fiicnaan iyo farxad. Waan ku faraxsanahay in aan imid garoonkan cusub ee Bernabeu markii iigu horreysay.
“Waxa aan arkay Real Madrid oo cajiib ah, dhamaan ciyaartoydu waa kuwo wanaagsan oo niyaddoodu sarrayso, waa kuwo is-caawinaya oo isku dayaya inay ciyaarta dhinaca kale u rogaan.”
Waxa wax laga weydiiyey Carlo Ancelotti oo ay Talyaaniga u wada dhasheen iyo xeeladihiisa tababarenimo, waxaanu ku jawaabay: “Ancelotti waa macallin garanaya sida waxyaabaha saxda ah loogu sheego ciyaartoyda. Intii ay socotay ciyaartii El Clasico, waxa aan jeclaystay sidii uu wax u beddelay sababtoo ah qaybtii hore Real aad uma aanay fiicnayn, balse isaga ayaa wax walba fahmaya. Qaybtii dambe, kooxdu way isbeddeshay wayna fiicnayd.”
“Anigu waxa aan arkayey ciyaartooyo gebi ahaanba aan ku qanacsanayn in ay caawiyaan tababarhooda. Si adag uma aanay dagaallamaynin, waxaanay kaliya isku dayayeen inay sameeyaan waxyaabo caadi ay tahay inaad ku aragto Barcelona oo samaynaysa [kubbad isku-dhiibka].
Fabio Capello ayaa waxa kale oo uu sheegay in Real Madrid ay si adag iskugu soo diyaarisay ciyaartii Barcelona, isla markaana ay niyad wanaagsan ka heleen guushii ay ka gaadheen Manchester City.
Ugu dambayntii waxa uu ka hadlay goolkii laga diiday Barcelona, waxaanu yidhi: “Ma aha wax la aqbali karayo, waana ceeb in horyaalka Tebas aanu adeegsanin aaladda goolka sheegta, iyaga oo doonaya in horyaalku uu noqdo midka ugu wanaagsan adduunyada.”