Alexis Mac Allister ayaa sameeyey sheegasho geesinimo leh oo ku saabsan tartanka horyaalka maadaama Liverpool ay shan dhibcood ku hoggaamineyso kadib guushii ay ka gaareen Aston Villa.
Liverpool ayaa si adag gacanta ugu haysa tartanka horyaalka, sida uu sheegay Alexis Mac Allister oo wareysi kalsooni leh bixiyey kadib guushii 2-0 ee ay ka gaareen Aston Villa.
Kooxda Arne Slot ayaa hoggaankooda Premier League ku kordhiyay shan dhibcood Sabtidii, taasoo ay uga mahadcelinayaan goolashii Darwin Nunez iyo Mohamed Salah.
Nunez ayaa goolka furitaanka u dhaliyey Liverpool, isagoo hareer maray Emiliano Martinez ka hor inta uusan si xirfad leh kubadda ugu hubsan shabaqa.
Markii lix daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta, Salah oo qaab ciyaareed fiican ku jira ayaa dhaliyey goolkiisii 10aad ee xilli ciyaareedka, isagoo kubadda ka dul qaaday Martinez kadib weerar rogaal celis ah oo degdeg ah.
Waxay ahayd ciyaar kale oo awood ay Reds soo bandhigtay, iyagoo ka faa’iideystay guuldarradii 2-1 ee Manchester City kala kulantay Brighton horaantii sabtida.
Kadib markii ciyaartu dhamaatay,Alexis Mac Allister ayaa la waydiiyey haddii Liverpool ay gacanta ku hayso tartanka horyaalka.
“Haa, dabcan. Waxaan joognaa kaalinta koowaad ee horyaalka, shan dhibcood ayaana ka horreynaa City, taasina waxbay ka dhigan tahay,” ayuu u sheegay TNT Sports.
“Sida aan sheegay, talaabo talaabo ayaan u soconeynaa. Haddii aad i waydiin lahayd kahor xilli ciyaareedka, ma oran laheyn waxaan u sharaxannahay inaan hananno horyaalka, laakiin hadda, sidaas ayay u muuqataa. Waan sii shaqeyn doonnaa oo isku dayi doonnaa inaan sii fiicnaano.”
Ciyaartoyda intooda badan waxay oran lahaayeen in ay goor hore tahay, laakiin Mac Allister ayaa si cad ugu kalsoon Liverpool iyo bilowgooda quruxda badan ee xilli ciyaareedka.