Warbixin ay qortay Diario AS ayaa sheegaysa in taageerayaasha Real Madrid ay caroodeen kaddib markii Kylian Mbappé uu sawir soo dhigay Instagram-kiisa.
Mbappé oo laga reebay xulka qaranka Faransiiska ee nasashada caalamiga ah ee hadda socota, ayaa lagu arkay isagoo la taagan saaxiibadiisii hore ee Paris Saint-Germain, Achraf Hakimi iyo Arnau Tenas oo ku sugan caasimadda Faransiiska.
Waa arrin iska caadi ah, hase yeeshee waxa taageerayaasha Madrid ka caraysiiyay ayaa ahaa in tubo shishad ah lagu arkay gadaashiisa mid ka mid ah sawirradii uu Mbappé soo dhigay. Waa sawir aan wax weyn u dhimeyn qofnimadiisa, laakiin haddana taageerayaasha qaar ayaa aad uga carrooday.
Sida ay qoray AS, waa sawir sii xoojiyay dareeno hore oo ahaa inay jiraan wax laga tabanayo ciyaarihiisii ugu dambeeyay tan iyo intii uu xagaagii ku soo biiray Madrid. Weeraryahanka ayaan si buuxda ula qabsan kooxdiisa cusub, waxaana uu u muuqday mid ku dhibban ciyaartii Madrid ay 4-0 kaga badisay Osasuna, halkaas oo Vinicius Jr. (24) uu saddexley ka dhaliyay.
Taageerayaasha Real ayaa carradooda ku shaaciyay qeybta falcelinta ee instagram taas oo sababtay in Mbappe ka saaro sawirka bartiisa.