Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku afgarteen saxiixa Trent Alexander-Arnold. Sida laga soo xigtay Marca, labada kooxood ayaa isku raacsan fikradda ah in xiddiga daafacamidig uusan u cusbooneysiin doonin qandaraaskiisa Anfield, taasoo ka dhigeysa inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Real. Labada kooxood ee reer Yurub ayaa hadda qorshaynaya shuruudaha, iyada oo diiradda koowaad la saarayo wakhtiga iyo kharashka.
Alexander-Arnold, oo caan ku ah caawinta goolal cajiib ah iyo ka ciyaarista dhanka daafaca midig, ayaa laf dhabar u ahaa Liverpool sanado badan. Si kastaba ha noqotee, qandaraaskiisa oo ku dhow dhammaad aawadeed, Real Madrid waxay u aragtaa fursad ay ku xoojin karto difaaceeda.
Dhanka kale Liverpool ayaa u muuqata in ay diyaar u tahay in ay u ogolaato in uu baxo halkii ay halis ugu gali lahayd in ay ku waydo beeca xorta ah marka uu heshiiskiisu dhaco.
Qodobka ugu muhiimsan ee laga wadahadli karo ayaa ah haddii Madrid la wareegeyso daafaca ka hor suuqa kala iibsiga ee soo socda ee Janaayo ama iney u baahan doontaa inay sugaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Haddii Liverpool ay ogolaato iney iibiso Janaayo, Real Madrid waxay isku dayi doontaa inay dhexda u gasho Alexander-Arnold bartamaha xilli ciyaareedka, taasoo kor u qaadeysa safkeeda tartamada gudaha iyo Yurub. Si kastaba ha ahaatee,waxaa la aaminsan yahay iibinta xiddigan ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa iney faa’iido u tahay liverpool.
Labada naadi ayaa lagu soo waramayaa inay rajo ka qabaan inay gaaraan heshiis faa’iido u leh labada dhinac. Real Madrid ayaa diyaar u ah inay bixiso dalab macquul ah si ay u hesho Alexander-Arnold, halka rabitaanka Liverpool ee wada xaajoodka ay ka tarjumayso sida ay u aqbaleen go’aankiisa.
Dhanka Real Madrid, soo xero gelinta Alexander-Arnold waxey noqon doontaa istaraatiijiyad kor loogu qaadayo difaacooda. Dhanka Liverpool, tallaabadan ayaa u soo jiidi karta dhaqaale badan oo lagu xoojinayo kooxda, iyagoo raadinaya inay dib u habeyn ku sameeyaan kooxdooda xilli ciyaareedka soo socda.