Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa u hanjabay kooxda Real Madrid markii ugu horeysay isagoo sheegay in talaabo weyn laga qaadi doono madaama Real Madrid TV ay soo bandhigayaan muuqaalo ay ku dhaleeceynayaan garsoorayaasha horyaalka taasoo cadaadis weyn saareysa garsoorayaasha.
Muuqaalo lagu weerarayo garsooraha qabanaya ciyaarta Real Madrid ka hor inta aysan bilaabanin ayaa laga baahiyaa Real Madrid TV xilli ciyaareedkan, waxayna noqotay qodob dood weyn dhalisay madaama Los Blancos ay soo bandhigeyso muuqaalo muujinaya in garsooraha ciyaartooda loo dhiibay uu ka soo hiiliyay waqtiyo kala duwan.
Tebas ayaa sheegay in maamulka La Liga uu dib u eegis ku sameynaya xuquuqda isticmaalka muuqaalada horyaalka ee ee TV-ga Real Madrid.
“Kanaalka waa mid dadweynaha u furan. Sababta loogu ogolaaday inay muuqaalada horyaalka isticmalaan waxay aheyd in la ogaa inay ixtiraamayaan sharafta isboortiga. Haatan waa in dib u eegis lagu sameeyo xuquuqda isticmaalka muuqalada La Liga. La Liga waxay bilaabeysaa inay talaabo ka qaado isticmaalka muuqaaladaan.
“Ma qiyaasi kartaa muuqaal garsoorayaasha ku saabsan oo ay sameysay Barca ama kooxaha kale ee horyaalka? Waxay tani burburineysaa kubada cagta. Waa wax iska cad inaynan wadadaan ku sii socon karin.”
Haddii Tebas uu ku guuleystay inuu albaabada isagu dhufto Real Madrid TV markaas Real Madrid waxay qasaari doontaa 100 milyan euro oo ay maalgashi ku sameeyeen TV-gooda.