Sir Jim Ratcliffe oo dhawaan saami ka iibsaday kooxda Manchester United ayaan weli go’aan kama danbeys ah ka gaarin mustaqbalka tababare Erik ten Hag ee Manchester United laakiin warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in tababaraha la siin doono hal xilli ciyaareed kale si uu u dhaqangeliyo isbedelka uu doonayo milkiilahaan cusub.
Qaab ciyaareedka Man United ayaa soo fiicnaaday todobaadyadii ugu danbeeyay iyadoo laga badiyay kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.
Guushii 3-0 ee ay ka gaareen West Ham todobaadkii la soo dhaafay ayaa keentay in Man United ay ka sarre marto West Ham oo ay gasho kaalinta lixaad. Laakiin weli wado dheer ayay u jireen kaalinta afaraad iyagoo sideed dhibcood ka danbeeya Aston Villa.
Horumarka ay Man United sameyneyso ayaa dabcan caawineysa tababare Ten Hag halka Give Me Sport ay sidoo kale sheegtay in qorshaha tababaraha reer Holland ee uu ku isticmaalayo xiddigaha da’da yar ay sidoo kale caawineyso.
Waxaa sidoo kale jirta aqbalaad ka imaaneysa maamulka kooxda oo ah in Ten Hag uu soo maray waqtiyo adag xilli ciyaareedkan, sida hubanti la’aantii la xiriirtay iibka kooxda iyo weliba hab dhaqanka ciyaartoyda qaarkood sida Jadon Sancho iyo Marcus Rashford iyo sidoo kale kiisaskii sharciga ahaa ee Mason Greenwood iyo Antony.
Sir Jim Ratcliffe ayaan dooneynin inuu qalqal kale sii geliyo kooxda oo uu ceyriyo tababare Ten Hag kaliya labo xilli ciyaareed ee uu joogay kooxda sidaasi darteed waxaa la siin doonaa fursad kale oo uu United ku tababaro xilli ciyaareed seddexaad. Laakiin taasi way isbedeli kartaa haddii Man United ay dagaal rasmi ah u geli weyso kaalinta afaraad.