Maaliyada 1aad ee kooxda Liverpool la filayo inay ku ciyaarto xilli ciyaareedka soo socda ee 2024/25 ayaa si qarsoodi ah loo soo dusiyay.
Shirkada Nike ayaa soo saareysay maaliyada Liverpool tan iyo 2020kii iyagoo bedeshay shirkada New Balance. Xilli ciyaareedkan waa midkii afaraad ee ay wada shaqeynayaan Liverpool iyo Nike.
Tan iyo markii ay Nike bilowday inay soo saarto maaliyadaha Liverpool waxay la kulantay falcelin isku dhafan, si la mid ah waxay la kulmi doontaa bilaha soo socda ka dib markii la soo bandhigay naqshada cusub ee xilli ciyaareedka danbe.
Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sida ay noqon doonto maalinta koowaad ee Liverpool oo ay ka muuqdaan xariiqmo farshaxan oo midabka jaalaha ah, waxayna maaliyada u qaab eg tahay maaliyadii ay ku ciyaarayeen xilli ciyaareedkii ay ku guuleysteen Premier League.
NIKE LFC HOME 24/25.
The yellow pinstrips will have a YNWA-design pic.twitter.com/yG714oSD1x
— fumlerRawk (@FumlerRawk) November 24, 2023
Qoorta maaliyada waxay ka kooban tahay midabada jaalaha, casaanka ah iyo cadaanka halka caalamada shirkada Nike iyo mida Liverpool ay jaale tahay.
Waxay maaliyadaan xusuus u tahay maaliyadihii hore ee Liverpool iyadoo xariiqmaha jaalaha ah ee lagu xardhay hal ku dhiga kooxda ee YNWA (You’ll Never Walk Alone).