Xiddiga reer Netherlands ee Cody Gakpo ayaa ka maqan kulanka ay kooxdiisa Liverpool martida u tahay Eerton ee garoonka Goodison Park, taas oo sidoo kale uu dhaawac ku seegay weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota.
Cody Gakpo oo kusoo bilowday ciyaartii Axaddii ay Liverpool 3-1 ku karbaashtay Fulham, ayaa maqnaanshihiisu uu lama filaan ku noqday taageereyaasha Liverpool maadaama ciyaarta Everton ay tahay Derby oo uu ka dhaxeexyo xafiiltan adag oo sababtu tahay inay yihiin isku magaalo.
Mohamed Salah iyo Darwin Nunez oo la fadhiisiyey ciyaartii Fultham ayaa weerarka kula soo bilowday Luis Diaz, waxaana maqnaanshaha Cody Gakpo shaaciyey tababare Jurgen Klopp markii magaciisa laga dhax-waayey safka kooxda ee kulanka Everton.
Jurgen Klopp ayaa waxa uu sheegay in Cody Gakpo ay kooxdu fasaxday maanta si uu u caawiyo xaaskiisa oo foolanaysa ama dhalaysa, taas oo keentay in kaydka kooxda loogu yeedho da’yarka Jayden Danns oo ay suurtogal tahay inuu beddel ku yimaaddo qaybta dambe.
Waxa kale oo uu Klopp fadhiiyey Jarell Quansah oo uu ku beddelay Ibrahima Konate oo difaaca dhexe kala ciyaaraya Virgil van Dijk, halka Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold ay boosaskooda xajisteen.
Khadka dhexe ayay kusoo laabteen Dominik Szoboszlai iyo Alexis Mac Allister oo uu wehelinayo Curtis Jones, iyadoo kaydka ay fadhiyaan saddexdii ciyaartoy ee kusoo bilowday kulankii Fulham ee Wataru Endo, Harvey Elliott iyo Ryan Gravenberch.
Shaxda Liverpool kula ciyaarayso Everton
Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Mac Allister, Szoboszlai, Jones; Salah, Nunez, Diaz.
Kaydka: Kelleher, Gomez, Endo, Elliott, Tsimikas, Gravenberch, Clark, Danns, Quansah.