Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa albaabka ka xidhatay oo u sheegtay in aanay ogolaanayn in uu dib ugu soo laabto, kaddib markii ay soo baxeen in laacibkani uu doonayo inuu iskaga tago Al-Ittihad oo xagaagii uu u wareegay.
Bezenam ayaa xagaagii soo afjaray 14 sannadood oo uu u dheelayey Real Madrid isaga oo sannadkiisii ugu dambeeyeyna ay dhaawacyo ragaadiyeen.
Los Blancos waxa ay isku dayday inay Benzema sii haysato sannad ka hadhsanaa qandaraaskiisa, hase yeeshee isaga ayaa dalbaday in loo fasaxo si uu u tago Sucuudiga oo kooxda Al-Ittihad ay u bandhigtay lacag badan oo ku qasabtay inuu ka dhaqaaqo Santiago Bernabeu.
Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, Benzema ayaa ay isku dhacsan yihiin kooxdiisa, waxaana laga saaray liiska ciyaartoyda Al-Ittihad ee tababarka ku qaadanaya magaalada Dubai, waxaana suurtogal ah inuu dib ugu soo laabto Yurub
Laakiin Real Madrid ayaa sheegtay in aanay 36 jirkan ogolaanayn inuu kusoo laabto Santiago Bernabeu, inkasta oo aanay la saxeexanin beddelkiisa oo afka hore ay ka wada ciyaaraan Rodrygo Goes iyo Vinicius Junior.