Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaciyey in uu ka tegi doono kooxdaas oo uu culays badan ka saaran yahay, marka ay u caddaato in uu lumiyey kalsoonida ciyaartoyda kooxda oo aanu sii joogi doonin.
Barcelona oo xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka LaLiga oo ay afar sannadood ka qatanayd, ayaa waxa ay hadda siddeed dhibcood ka dambaysaa Real Madrid iyo Girona oo hoggaanka wada-jir u haya, waxaana sidoo kale ay guul-darraysteen Axaddii oo finalkii Spanish Super Cup ay Real Madrid ku karbaashtay 4-1.
Barcelona oo hadda kaalinta afraad kaga jirta horyaalka LaLiga, ayaa waxa uu tababare Xavi oo la hadlayay saxaafadda ka hor ciyaarta U ionistas de Salamanca ee tartanka Copa del Rey, waxa uu sheegay in uu iskaga tegi doono naadiga oo uu iscasili doono marka uu arko in uu lumiyey kalsoonida ciyaartaoyda.
“Maalinta aan arko in aanay ciyaartoydu i garab taaganyn, shandaddayda ayaan xidh-xidhan doonaa, waanan tegi doonaa.” Ayuu yidhi Xavi, waxaanu ku daray: “Haddii aanan horyaalka LaLiga ku guuleysan lahayn xilli-ciyaareedkii hore, halkan ma aanan joogi lahayn. Marka uu qof ii sheego in ay dhibaato jirto, waan tegi doonaa.
“Xilli-ciyaareedkaygii koowaad, hadafkayagu waxa uu ahaa in aanu afarta sare nimaadno; waxa aanuse ku dhamaysanay kaalinta labaad. Xilli-ciyaareedkii labaadna waxa aanu ku guuleysanay horyaalka. Sannadkanna, waa in aanu koob ku guuleysano.
“Waanu ku guul-darraysanay Spanish Super Cup, waanan ka raalligeinayaa xaaladdihii bandhiggayaga, laakiin wali waxa aanu u tartamaynaa saddex koob (Champions League, LaLiga iyo Copa del Rey). Haddii aanu gaadhi weyno hadafkayaga, aniga ayaa noqonaya qofka ugu horreeya ee tegaya.”