Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hannaysay horyaalka Premier League, waxaana soo dhamaatay fursad kasta oo ay haysteen kaddib guul-darro 2-0 ah oo ay kala soo kulmeen kooxda uu xafiiltanka weyn ka dhexeeyo ee Everton.
Liverpool oo uu tababare Jurgen Klopp ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayaa ay ciyaartoydeedu si murugo leh ku sagootinayaan macallinkooda, waxaana guul-darradan caawa ay keentay in ciyaartoyda qaarkood ay ooyaan ciyaarta oo socota.
Laba gool oo labadii qaybood ay kala dhaliyeen Branthwaite iyo Calvert-Lewin ayaa Everton siiyey guul ay u qalmaysay halka Liverpool ay ka faa’iidaysan wayedy fursadihii ay ciyaartoydeedu heleen.
Jurgen Klopp ayaa murugo fadhiisan kari waayey oo marba dhinac u socday laynka garoonka iyadoo gacmuhu u laaban yihiin, halka jamaahiirta Everton ay dhegaha kaga qaylinayaeen ciyaartoyda isbiibay ee Liverpool oo dhawr jeer nasiib kaga badbaaday kubbado ay isku dhiibeen.
Daqiiqaddii 27aad ayaa kubbad uu isku dhiibay Ibrahima Konate waxa shabaqa Liveprool ku hubsaday difaaca reer England ee Branthwaite oo xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay, balse waxyar kaddib ayuu mar kale Ibrahima Konate isku dhiibay kubbad kale oo si dhib badan lagu badbaadiyey.
Jamaahiirta Liverpool ayaa rajaynayey in qaybta labaad ay kooxdoodu lasoo laaban doonto firfircooni, laakiin waxa ay kusoo noqdeen garoonka iyaga oo sii qoyey oo u muuqda in aanay doonayn in ay guuleystaan, waxaana markan ay bilaabeen inay kubbadaha isku dhiibaan mar kale.
Everton ayaa heshay saddex koorne oo isku xigay oo hal daqiiqo gudihii ah, taas oo keentay in Everton ay hesho goolka labaad oo daqiiqaddii 58aad uu madax ugu dhaliyey Calvert-Lewin.
Luis Diaz ayaa fursaddii ugu fiicnayd ee ay heshay Liverpool birta ku dhuftay, sidoo kalena Mohamed Salah ayaa si ay ka noqotayba khasaariyey dhawr fursadood oo dahabi ahaa.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay haysato 64 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo hoggaanka haysa, halka Man City oo laba ciyaarood baaqi u yihiin ay saddexaad fadhido oo ay 63 dhibcood leedahay waxaana haddii ay Man City guuleysato ay shan dhibcood ka sarrayn doontaa Liverpool.
Natiijadan ayaa sidoo kale ka dhigan in ay soo dhamaatay fursaddii Liverpool ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana kaga daran guul-darrada in kooxda dishay ay tahay naadiga ay cadaawadda weyn ka dhaxayso ee Everton ee ay isku magaalada yihiin.
Dhinaca kale, Manchester United ayaa guul 4-2 ah ka gaadhay Sheffield United oo laba jeer goolal kala hormartay iyadoo goolhaye Andre Onana uu sameeyey qalad dilaa ah oo uu isku dhiibay kubbad laga dhaliyey.
Daqiiqaddii 35aad ayaa Sheffield United ay furtay gool-dhalinta waxaana hoggaanka u dhiibaye Jayden Bogle, laakiin Harry Maguire ayaa Man United niyadda usoo celiyey oo ciyaarta ka dhigay 1-1 ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Sheffield United gool kale oo degdeg ahaa ka dhalisay United, balse rikoodhe uu muran ku jiray ayaa lagu abaal-mariyey Bruno Fernandes oo gool u beddelay, iyadoo laacibka reer Portugal uu gool labaad u saxeexay kooxdiisa, dhamaadkiina uu gool afraad saxeexay Rasmus Hojlund.