Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa su’aal ka keenay baahida ay ciyaartoyda u qabaan inay ku guuleystaan horyaalka Premier League ka dib guuldarro xanuun badan oo ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Everton.
Iyadoo afar kulan ay u hartay, Liverpool ayaa haatan ku duceysaneysa in dhibco dhumiyaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool iyo kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City.
Guuldaradii kulankii Goodison Park ee xalay waa guuldaradoodii labaad ee seddex kulan, iyagoo halis ugu jira inay xilli ciyaareedka ku dhameystaan kaliya koobkii Carabao Cup ee ay qaadeen.
“Miyay doonayaan inay ku guuleystaan horyaalka?” ayuu Van Dijk yiri isagoo ka hadlayay qaabkii xumaa ee ay ciyaareen xiddigaha Reds.
Goolal ay labadii qeyb ee ciyaarta kala dhaliyeen Jarrad Branthwaite iyo Dominic Calvert-Lewin ayaa ku hogaamiyay Everton guushoodii ugu horeysay horyaalka ee ay gurigooda uga gaaraan Liverpool tan iyo bishii October 2010kii.
Van Dijk oo si u weyn u careysan ayaa u sheegay Sky Sports: “Haddii aad u ciyaarto sidaan islamarkaana aad garsooraha fursad u siiso inuu laad xor ah ka dhiigo, markaas fursad uma heysatid inaad ku guuleysato horyaalka.
“Siyaabo kala duwan ayaan u niyadjabsanahay. Mid walba oo ciyaartoyda ka mid ah waa inuu muraayad isku eego, waa inay dib u eegaan qaab ciyaareedkooda kana fekeraan haddii ay kooxda u dadaaleen boqolkiiba 100.
“Waa mid adag, sida iska cad waxay aheyd inaan sidaan si ka fiican u la ciyaarno koox ku dhow boosaska lagu haro. Waxaa la joogaa waqtigii aan diirada saari laheyn.
“Hadii aan u ciyaarno sidii maanta, wax fursad ah uma heysano inaan isku aragno kuwa ku jira tartanka horyaalka.”