Rio Ferdinand ayaa rumaysan in Manchester City ay ku guuleysan doonto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay ku garaaci doonto Arsenal iyo Liverpool, laakiin waxa uu ku dooday in aanu doonayn in City ay ku guuleysato horyaalka.
Arsenal ayaa hoggaanka horyaalka dib ugu soo noqotay Arbacadii markii ay 2-0 kaga adkaatay Luton Town, halka Manchester City ay kusoo durdurisay Aston Villa oo ay 4-1 ku garaacday.
Liverpool ayaase caawa isbeddel ku samayn karaysa hoggaanka oo kaalinta koowaad tegi doonta haddii ay ka adkaato kooxda kaalinta ugu hoosaysa ku jirta ee Sheffield United, waxaanay laba dhibcood dhaafi doonaan Arsenal.
Rio Ferdinand oo warbaahinta ka hadlayey kaddib guushii ay Manchester City ka gaadhay Aston Villa ayaa qirtay in aanu doonayn in Man City ku guuleysato horyaalka, balse haddana uu arkayo inay yihiin kooxda ugu awoodda badan.
Waxa uu intaa ku daray: “Liverpool waxa sugaya saddex kooxood oo ay marti u noqonayso oo aanad odhan karay in waa waa niyado waaweyn [Fulham, Everton iyo West Ham], laakiin saddex ciyaarood oo isku xiga oo aad marti tahay way adag tahay. Sidoo kale, waxay marti u yihiin Aston Villa iyo Manchester United oo usbuuca soo socda ah.
“Arsenal ayaa ah kooxda jadwalka ugu adag uu sugayo, sidaa daraadeed, sidii aan bilowgii xilli-ciyaareedka sheegay Manchester City ayaa ah kooxda ugu cadcad, balse anigu ma doonayo inay City ku guuleysato.”
Ferdinand oo la weydiiyey kooxda uu doonayo inay horyaalka ku guuleysato ayaa yidhi: “Anigu waxa aan jeclaan lahaa in ay Arsena;l ku guuleysato.”