25ka ciyaartoy ee ay da’doodu tahay 21 jir ama ka yar ee ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana ku jira xiddigo badan oo carruurnimo ay ku qaan-gaadhay kubaddoodu oo wacdaro ka dhigaya garoomada.
Ciyaartoydan ayaa waxa ku jira laacibiin soo baxday sannadkan 2024, sida Kobbie Mainoo oo ah dheemanka Manchester United uga soo dallacay heerka labaad, kaas oo sidoo kale ay ku wehelinayaan Harvey Elliott oo Liverpool iyo xulka da’yarta England ah iyo labada reer Brazil ee Endrick iyo Vitor Roque oo ay lacagl badan kasoo bixiyeen Real Madrid iyo Manchester United.
Lionel Messi ayaa waqtiyada qaarkood halbeeg u ahaa ciyaartoyda da’yarta ah, kaddib markii uu dunida ku qabsaday carruurnimo isaga oo 13 jir ugu soo biiray kulliyadda da’yarta Barcelona.
Sidaas oo kale, waxa jira ciyaartooyo hadda da’da 17 jirka isku baray sida Kobbie Mainoo, kaas oo kasbaday in durba loogu yeedho xulka qaranka England.
Jude Bellingham oo 20 jir ah ayaa ku jira kaalinta koowaad oo noqday ciyaartoyga ugu wanaagsan da’yarta dunida, waxaana ku xiga saaxiibkiisa Real Madrid ee Eduardo Camavinga, halka Jamal Musiala oo Bayern Munich ah uu fadhiyo kaalinta saddexaad.
Waa kuwan 25ka ciyaartoy ee da’yarta ah ee ugu wanaagsan dunida
25. Lewis Miley | England, 17 jir
24. Valentin Barco | Argentina, 19 jir
23. Ansu Fati | Spain, 21 jir
22. Conor Bradley | Northern Ireland, 20 jir
21. Evan Ferguson | Ireland, 19 jir
20. Levi Colwill | England, 21 jir
19. Youssoufa Moukoko | Germany,19 jir
18. Harvey Elliott | England, 21 jir
17. Xavi Simons | Netherlands, 20 jir
16. Rasmus Hojlund | Denmark, 21 jir
15. Vitor Roque | Brazil, 19 jir
14. Alejandro Garnacho | Argentina, 19 jir
13. Kobbie Mainoo | England, 18 jir
12. Jeremy Doku | Belgium, 21 jir
11. Warren Zaire-Emery | France, 18 jir
10. Arda Guler | Turkey, 19 jir
9. Lamine Yamal | Spain, 16 jir
8. Florian Wirtz | Germany, 20 jir
7. Cole Palmer | England, 21 jir
6. Endrick | Brazil, 17 jir
5. Gavi | Spain, 29 jit
4. Pedri | Spain, 21 jir
3. Jamal Musiala | Germany, 21 jir
2. Eduardo Camavinga | France, 21 jir
1. Jude Bellingham | England – 20 jir