Sababta uu Ben White isaga diiday xulka England oo looga soo yeeray oo la ogaaday.
Maalintii Khamiista oo shalay aheyd, tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa sheegay in xididga Arsenal Ben White uu iska diiday in xulka England looga soo yeero.
White laguma soo dirin xulka England ee kulamada saaxiibtinimo la ciyaaraya Belgium iyo Brazil, umana safanin England tan iyo markii uu tababarkii England isaga tagay bishii November 2022kii.
“Waxaa ina soo wacay agaasimaha isboortiga Arsenal Edu todobaadkii hore, wuxuu inoo sheegay in Ben White uusan dooneynin in England looga soo yeero.” ayuu yiri Southgate.
“Waan la hadlay isaga ka dib Qatar, caga jiid ayaa dhankiisa ka jira. Ma ogi sababta ka danbeysa, laakiin waan ixtiraamayaa go’aankiisa. Albaabka waan u furayaa isaga sababtoo ah waa ciyaaryahan wanaagsan.”
Sida ay sheegtay warbaahinta The Athletic, go’aanka uu Ben White isaga diiday xulka England waxaa sabab u ah seddex arimood.
Tan hore, White oo ay ku adkaatay inuu aqbalo inuu dhanka doorashada shaxda xulka ugu hooseeyo.
Tan labaad oo ah inay isku dhaceen caawiyaha tababaraha xulka England Steve Holland iyadoo White uu qeylo iyo canaan kala kulmay leyliyihii hore ee Chelsea.
Iyo tan seddexaad oo ah midka ugu muhiimsan, daafaca Arsenal ayaa la sheegay inay ku adag tahay inuu la qabsado ciyaaraha caalamiga ah iyo tartamada heerka caalami, wuxuuna ka doorbidaa midka heerka kooxeed.
Waxaa taas sabab u aheyd inuu isaga tagay Koobkii Adduunka ee Qatar isagoo ku laabtay Arsenal oo uu tababar la sameynayay iyadoo England ay Koobka Adduunka ciyaareyso.