Cesc Fabregas ayaa isbarbardhigay tayada seddexda xiddiga ee Ingariiska ee Bukayo Saka, Phil Foden iyo Cole Palmaer, waxaana soo baxay guuleyste cad uu doortay.
Seddexda xiddig ayaa haatan ah xiddigaha ugu xiisaha badan horyaalka Premier League, waxayna qeyb ka wada noqon doonaan xulka England ee ciyaaraha Euro 2024.
In la kala doorto seddexda laacib waa howl adag madaama ay leeyihiin tayo kala duwan islamarkaana ay ka ciyaaraan boosas kala duwan.
Cesc Fabregas oo ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiicnaa Premier League ayaa la weydiiyay inuu qiimeyn kala duwan ku doorto xiddiga ugu fiican seddexda ciyaaryahan.
Dhanka orodka ama xawaaraha waxa uu doortay Buka Saka, kaasoo sidoo kale uu ku doortay inuu ku fiican yahay rigoore tuurista.
Tan iyo markii uu rigoore qasaariyay ciyaarihii Euro 2020, Saka ayaa dhaliyay rigoore kasta oo ka danbeysay waqtigaas.
Fabregas ayaa Cole Palmer ku doortay xirfad iyo dhameystir laakiin Foden ayaa qiimeynta inteeda kale la wareegay.
Xiddiga labada jeer ku guuleystay da’ yarka sannadka ayuu Fabregas ku doortay: caqli kubadeed, heerka shaqada, farsamo iyo baas.
Foden wuxuu qaatay afar ka mid ah sideedii waxyaabood ee lagu qiimeeyay seddexda ciyaaryahan halka Saka iyo Palmer ay min labo qaateen.
Waa Sidaan Sida Uu Fabregas Ku Qiimeeyay Seddexda Laacib:
Caqli Kubadeed
Foden
Xirfad
Palmer
Heerka shaqada
Foden
Farsamada
Foden
Dhamaystirka
Palmer
Baasaska
Foden
Rigoorada
Saka