Labo ka mid ah taageerayaasha kooxda Tottenham ayaa laga saaray garoonka ka dib markii ay u dabaaldegeen goolkii ay Manchester City ka dhalisay kooxdooda.
Man City ayaa u safartay Tottenham xalay oo Talaado aheyd iyagoo ogsoonaa in guul ay gaaraan ay ka dhigeyso inay qarka u saaran yihiin hanashada horyaalkoodii afaraad oo isku xigta.
Taageerayaal badan oo Tottenham ayaa doonayay in kooxdooda ay guuldareysato si ay Arsenal ugu fashilanto hanashada horyaalka.
Labo ka mid ah taageerayaasha Tottenham ayaa qarsan waayay naceybka ay u qabaan Arsenal iyagoo u dabaaldegay goolkii uu Haaland ka dhaliyay kooxdooda.
Wax yar ka dib dabaaldegooda, shaqaalaha garoonka ayaa u yimid oo ka saaray garoonka ka dib markii taageerayaasha kale ay ku wargeliyeen wixii ay sameeyeen.
Haaland ayaa gool labaad dhaliyay kaasoo ahaa rigoore lagu galay Jemery Doku.
Goolkaas labaad ka hor, Son Heung-Min ayaa fursad u heystay inuu barbareeyo ciyaarta isagoo kubad hal ka hal ah ku helay goolhaye Stefan Ortega laakiin waxa uu dhaafsiin waayay lugaha goolhayaha.
Inkastoo Tottenham ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League madaama booskaas ay haatan xaqiijisatay Aston Villa hadana taageerayaashooda waxay ku faraxsanaayeen inay burburiyeen riyadii Arsenal ee aheyd inay horyaalka qaadaan 20 sannadood ka dib.