Kooxda Aston Villa ayaa xaqiijisatay inay u soo baxday Champions League xilli ciyaareedka danbe, ka dib markii ay Man City 2-0 ku garaacday kooxda kaalinta shanaad ee Tottenham.
Indhaha oo dhan waxay eegayeen kulanka Tottenham iyo Man City, iyadoo Arsenal ay ku duceysaneysay in Spurs ay ku dhegto Man City halka Aston Villa ay dooneysay in Tottenham la garaaco si ay ugu soo baxaan Champions League.
Dhamaan ciyaartoyda, tababaraha iyo shaqaalaha kooxda Aston Villa ayaa hal meel ku daawanayay ciyaarta, waxayna u dabaaldegeen si waali ah markii ay dhamaatay ciyaarta madaama ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda Champions League.
Aston Villa oo koobka Champions League ku guuleysatay labo jeer oo isku xigta 1981 iyo 1982kii ayaan koobkaan u soo bixin tan iyo waqtigaas.
Ciyaartoyda kooxda ayaana u dabaaldegay guusha CIty iyagoo uga mahadceliyay inay u xaqiijiyeen inay ka ciyaarayaan tartanka ugu weyn kooxaha Yurub ee Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Horyaalka Premier League aya afar koox ku yeelan doona Champions League xilli ciyaareedka soo socda, waxayna kala yihiin Man City, Arsenal, Liverpool iyo Aston Villa.