Arsenal ayaa ku fariisatay kursiga kaalinta koowaad ee Premier League ka dib guushii ay ka gaareen Brentford, waxayna caawa ku duceysanayaan in Liverpool iyo Man City ay barbaro galaan si ay u sii joogaan kaalinta 1aad.
Gunners ayaa 2-1 ku badisay kulankii caawa ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Declan Rice iyo Kai Havertz, iyadoo Ramsdale uu gool u hadiyeeyay kooxda Brentford dhamaadkii qeybta hore.
Arsenal waa kooxdii afaraad ee badisa sideed kulan oo isku xigta sannadka bilowgiisa, ka dib Man Utd 2009kii, Liverpool 2020kii, Man City 2021kii. Seddexdaan kooxood ayaana ku guuleysatay horyaalka sannadahaan.
XIDDIGA GAROONKA: BEN WHITE (Arsenal)
Daafacan ayaa soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadiisii ugu fiicnaa, waxa uu si joogta ah u agaasimayay daafaca Arsenal isagoo ahaa isku xira dhabta ah ee kooxda. Waxaa u sii dheer inuu caawiye ka ahaa labada gool ee ay dhaliyeen Declan Rice iyo Kai Havertz. Taageerayaasha Arsenal waa ay sugi la’ yihiin in qandaraas cusub laga saxiixo White.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Arsenal: Ramsdale 6; White 8, Saliba 6, Gabriel 6, Kiwior 6; Rice 7, Jorginho 7, Odegaard 8; Saka 6, Havertz 7, Trossard 6
Bedel: Partey 6, Jesus 6, Smith Rowe, Nelson 6, Zinchenko 6
Brentford: Flekken 6; Roerslav 7, Jorgensen 6, Ajer 6, Collins 5, Lewis-Potter 6; Norgaard 6, Onyeka 5, Janelt 6; Wissa 7, Toney 7
Bedel: Maupay 6, Jensen 6, Ghoddos 6, Damsgaard 6, Yarmoliuk 6