Tababaraha kooxda Brentford Thomas Frank ayaa ku adkeysanaya in xiddiga Arsenal Kai Havertz uu mudnaa casaan ka hor inta uusan dhalinin goolka guusha kulankii xalay.
Waxaana fekerkaas la qaba inta badan taageerayaasha kuwaasoo baraha bulshada ku muujiyay caradooda ah inaan Havertz kaadh jaale ah lagu siinin inuu istuuris jiliin ah sameeyay.
Xiddiga Jarmalka ayaa horay isu tuuray markii uu arka inuu raacanayo daafaca Brentford Nathan Collins, laakiin Collins ma uusan taabanin Havertz.
Tababare Frank ayaana sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin in Havertz uu mudnaa in casaan loo taago ka hor inta uusan dhalin goolkii guusha ee 2-1 kaasoo ahaa goolkiisii afaraad ee afar kulan.
Tababaraha reer Denmark ayaa u sheegay Sky Sports: “Havertz ma mudneyn inuu garoonka ku sii jiro markii uu dhalinayay goolka.
“Wuxuu sameeyay istuuris cad isagoo rigoore doonaya. Haddii aad dib u daawato waa arkeysaa waa mid iska cad.
“Malaha waa wax ay adag tahay inuu garsooraha arko laakiin calanwadaha inuu arko ayay aheyd feker ahaanteyda.”
Laakiin taageerayaasha ayaa eeda oo dhan dusha ka saaray garsoore Rob Jones oo iska indhotiray xaalad muhiim u aheyd ciyaarta.
Taageere ayaa soo qoray: “Istuuris cad ayuu sameeyay Havertz, haddii uu ciyaaryahan Brentford sameyn lahaa waxaa si sahlan loo siin lahaa casaan.”
Mid kale oo ka hadlayay hadalka tababare Frank ayaa yiri: “Wuu saxan yahay. Garsoorayaasha wadankaan waxay noqdeen kuwa kaftan ah.”