Bruno Fernandes ayaa noqday geesiga Man United iyagoo barbaro ka tuugay kooxda Bournemouth.
Kabtanka Manchester United ayaa dhaliyay labo gool oo midi ay rigoore aheyd isagoo ku barbareeyay labadii gool ee ay Bournemouth u kala dhaliyeen Solanke iyo Justin Kluivert.
XIDDIGA GAROONKA:
Bruno Fernandes (Man United) Kabtanka Manchester United isaga ayaa dhaliyay goolkii barbaraha ee qeybtii hore ee ciyaarta. Fernandes ayaa sidoo kale ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto markii uu kubad fiican birta ku garaacay.
Wuxuuna dhaliyay rigooradii ay markii danbe Man United ku barbareeyeen Bournemouth.
XIDDIGII UGU LIITAY GAROONKA:
Diogo Dalot ayaa ahaa xiddigii ugu liitay ciyaarta, goolkii koowaad iyo midkii labaadba waxa uu ahaa mid ka maqnaa booskiisa. Uma aheyn maalin fiican daafaca.
Xiddigaha kale ee liitay waxaa ka mid ah Casemiro oo khadka dhexe maamuli waayay qeybtii hore ee ciyaarta, Garnacho oo sabab u ahaa goolkii ay Bournemouth hogaanka ku qabatay iyo daafaca aan khibrada laheyd ee Kambwala oo khibradyaridiisa ay muuqatay.
Qiimeynta Ciyaartoyda
Bournemouth: Neto (6), Smith (6), Zabarnyi (7), Senesi (8), Kerkez (8), Cook (7), Christie (7), Ouattara (6), Kluivert (7), Sinisterra (6), Solanke (7).
Bedel: Kelly (7), Aarons (6), Faivre (6), Unal (6).
Man Utd: Onana (7), Dalot (4), Kambwala (5), Maguire (6), Wan-Bissaka (6), Mainoo (6), Casemiro (6), Garnacho (5), Fernandes (9), Rashford (6), Hojlund (6).
Bedel: Diallo (6), Mount (6).