Alejandro Grancho ayaa “like” saaray qoraal la soo dhigay baraha bulshada oo ku dhaleeceynaya tababare Erik ten Hag inuu bedelay xiddiga reer Argentina waqtigii nasashada.
Tababaraha Manchester United ayaa lagu eedeeyay inuu ka baqayo xiddigaha mushaharka badan qaatay, isagoo baska hoostiisa ku tuuray Garnacho ka dib kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Bournemouth.
Mark Goldbridge oo ah taageere Man United oo caan ka ah YouTube iyo baraha bulshada ayaa Garnacho ku difaacay qoraal uu soo dhigay Twitter isagoo sheegay in Ten Hag uu marmarsiiyo ka dhiganayo Garnacho islamarkaana uu ka baqayo xiddigaha qaab ciyaareedka xun ee lacagaha badan qaata.
Garnacho ayaana like saaray labada qoraal ee uu Goldbridge ku dhaleeceeyay tababare Erik ten Hag.
Tababare Ten Hag oo si dadban u dhaleeceeyay Garnacho ciyaarta ka dib ayaa yiri: “Qaab ciyaareedkan naguma filna. Runta waxay tahay uma aanan qalmin wax intaan ka badan.
“Goolkii hore anaga ayaa si fiican ugu dhignay, waxaan kubada ku dhiibanay meel halis ah, waxayna noqotay gool.”
Goldbridge ayaa ka dib Twitter ku soo qoray: “Ten Hag wuxuu si dadban u dhaleeceynayaa Grancho shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib… ma ahan muuqaal fiican inuu 19 jirkaan baska hoostiisa ku tuuro madaama uu yahay xiddig wax badan qabtay xilli ciyaareedkan. Laakiin hadana Ten Hag wuxuu si cad uga baqayaa inuu ka careysiiyo xiddigaha mushaharka badan qaata”
Alejandro Garnacho ayaana muujiyay sida uu uga careysan yahay tababare Ten Hag isagoo like saaray qoraalka Mark Goldbridge.