Emile Smith Rowe ayaa si buuxda uga faa’ideystay ku soo laabashadiisa shaxda Arsenal isagoo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga garoonka kulankii ay 2-0 kaga badiyeen xalay kooxda Luton.
Tababare Arteta ayaa isku shaandheyn ku sameeyay shaxdiisa isagoo shan bedel ku sameeyay shaxdii uu kala hortagay Man City todobaadkii hore.
Reiss Nelson ayaa markii ugu horeysay ku soo bilowday kulan horyaalka ah tan iyo bishii July 2020, iyadoo Gabriel Jesus iyo Declan Rice kursiga keydka la dhigay halka Thomas Partey uu ku soo bilowday ciyaartiisii ugu horeysay tan iyo bishii Agoosto.
Leandro Trossard ayaa sidoo kale ka garab ciyaaray Oleksandr Zinchenko. Laakiin soo laabashada Emile Smith Rowe ayaa farqiga ugu weynaa abuurtay.
Waxa uu ku soo bilowday kaliya kulankiisii seddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkan, 23 jirkaan khadka dhexe ayaa door muhiim ah ka ciyaaray labadii gool ee Martin Odegaard iyo goolkii uu iska dhaliyay Daiki Hashioka.
Smith Rowe ayaa muteystay in looga istaago garoonka Emirates Stadium loona sacbiyo markii la bedelay ciyaarta oo shan daqiiqo ay ka harsan tahay.
Ka dib ciyaarta, xiddiga No,10aad ayaa ka hadlay maamuuskii ay taageerayaasha Arsenal u sameeyeen.
“Waxay aheyd wax cajiib ah” ayuu yiri. “Waxaan halkaan joogaa tan iyo markii ay sagaal sanno jir ahaa. In la ii istaago oo la ii sacbiyo anigoo soo baxaya waa cajiib …. uma maleynayo inaan si fiican u dheelay qeybtii labaad laakiin waa wax aad u fiican inaan heysto taageerada taageerayaasha.”
Smith Rowe ayayse lama filaan ku noqotay markii kabtankii hore Luton Tom Lockyer uu gudoonsiiyay abaalmarinta xiddiga garoonka.
“Wow. Tani waa lama filaan.” ayuu yiri isagoo dhoolacadeynaya oo aamini waayay inuu qaatay abaalmarinta xiddiga garoonka. “Aad ayaad u mahadsan tahay.”