Phil Foden ayaa si cad ugu sheegay tababaraha Manchester City Pep Guardiola iyo tababaraha England Gareth Southgate inuu isku arko ciyaaryahan khadka dhexe oo uusan aheyn mid garab weerar ka dheela.
23 jirkaan ayaa booska kubadsameeyaha wacdarro ku dhigay kulankii Aston Villa ee xalay isagoo dhaliyay seddexleey ciyaar ay ku badiyeen 4-1.
Inkastoo uu Guardiola ku tilmaamay Foden ciyaaryahanka ugu tayada fiican ee uu abid la shaqeeyay hadana Foden ayaa inta badan waayihiisa City waxaa laga ciyaarsiinayay garbaha weerarka. Kaliya xilli ciyaareedkan ayuu xiddiga Ingariiska fursad u helay inuu si joogta ah uga dheelo khadka dhexe sababo la xiriiray dhaawacii uu ku maqnaa De Bruyne.
Ka dib seddexleydiisii xalay, Foden ayaa ka hadlay booska uu ku fiican yahay, isagoo u sheegay TNT Sports: “Waxaan isku arkaa xiddig farsamo oo khadka dhexe ah.
“Garbaha shaqada waan ku qaban karaa laakiin waxaan ka doorbidaa dhexda. Sannadkan ciyaarteyda horumar ayay sameyneysaa. Tababaraha [Guardiola] wuu igala hadlay inaan dejiyo laxanka ciyaarta oo aan ciyaarta ka dhigo mid degan, taas ayaana ku soo kordhiyay ciyaarteyda.
“Wuxuu ii sheegay inaan horumar ku sameyn doono booskaas. Waagii hore waxaan ahaa mid degdega oo weerar walba ka qeyb qaata laakiin haatan sida saxan ayaan wax walba isagu dheelitiraa. Mar walba waxaan isku dayaa inaan xilli danbe tago xerada goolka, waa halkaas meelaha goolasha laga helo. Ugu yaraan shan gool ayaa xilli ciyaareedkii sidaas ku dhalin kartaa. Waxaan ka shaqeynayaa inaan horumariyo ciyaarteyda khadka dhexe.”