Xiddiga Manchester United Rasmus Hojlund ayaa durbadiiba ka falceliyay guuldaradii cusleyd ee Liverpool ka soo gaartay Atalanta kulankii xalay ee Europa League.
Liverpool ayaa guuldarro 3-0 kala kulantay Atalanta ciyaartii Anfield ka dhacday xalay oo Khamiis aheyd.
Xiddigii hore ee West Ham Gianluca Scammaca ayaa labo gool dhaliyay halka Mario Pasalic uu midka seddexaad ku daray.
Xiddiga Manchester United Hojlund ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay guushii weyneyd ee ay kooxdiisa hore ka gaartay kooxda ay haatan xafiiltamaan ee Liverpool.
Waxa uu Instagram Story ku soo wadaagay sawirka Atalanta, isagoo soo raaciyay qoraal u dhignaa “Mola mia” oo ah oraah ay isticmaalaan dadka reer Bergamo oo ah halka ay ka dhisan tahay Atalanta.
Oraahda waa mid aad looga isticmaalo Bergamo in luqad kale lagu tarjumo way adag tahay laakiin waxay u micno dhow tahay “Isma dhiibno, hore ayaan u soconaa.”
Dabcan Hojlund waxa uu u soo ciyaaray kooxda Serie A ka dhisan isagoo u dhaliyay 10 gool 34 kulan uu u saftay tartamada oo dhan.
Waxa uu Atalanta ka tagay xagaagii hore isagoo hishiis 72 milyan ginni ugu wareegay Man United.
Laakiin xiddiga reer Denmark ayaa sida iska cad weli isha ku hayo kooxdiisa hore tan iyo markii uu ka tagay Stadio di Bergamo.