Jamie Carragher ayaa tilmaamay hal faa’ido oo ay Liverpool dhaxashay ka dib xasuuqii xalay ka soo gaartay kooxda Talyaaniga ee Atalanta.
Xalay, Liverpool ayaa guuldarro 3-0 kala kulantay Atalanta lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Europa League.
Reds aaya soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u xun, waxayna ku kala daateen cadaadiskii saarnaa darteed si la mid ah kulankii Man United ee Todobaadkii hore.
Liverpool ayaa u baahnaan doona inay sameyso soo laabasho cajiib ah haddii ay doonayaan inay u gudbaan semi-finalka Europa League.
Ka dib ciyaarta, daaficii hore ee Liverpool Carragher ayaa baraha bulshada ku soo qoray hal faa’ido oo ay Liverpool ka qaadan karto habeen xun oo ku soo maray Anfield.
Waxa uu qoray: “Natiijo iyo qaab ciyaareed aad u xun oo ay Liverpool ay soo bandhigtay, waxa kaliya ee ay niyada ku dhisan karaan ka dib sida cusleyd ee loo garaacay ayaa ah in Jurgen uu safo ciyaartoyda keydka lugta labaad islamarkaana uu awoodiisa isagu geeyo horyaalka.”
Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan ku dhibco ah kooxda hogaamineysa horyaalka ee Arsenal oo hogaanka ku heysa farqiga goolasha.
Reds ayaa ka hor kulanka lugta labaad ee Khamiista soo socota, waxay Axada la dheeli doonaan kooxda Crystal Palace oo ay martigelinayaan iyagoo ku qasban inay guul gaaraan.