Halyeyga Ingiriiska ee Ian Wright ayaa saadaaliyey natiijooyinka laba ciyaarood oo la qaban doono Manchester City oo ay dhibco lumin doonto, kuwaas oo fursad siin doona Arsenal iyo Liverpool oo usbuucan lumiyey figta sare markiiay guul-darrooyin la kulmeen.
Manchester City oo saddexdii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay horyaalka Premier League, ayaa waxa ay markii afraad oo xidhiidh ah doonaysaa inay ku guuleysato iyadoo hoggaanka la wareegtay xilli ay lix kulan hadhsan yihiin.
Xasuuq 5-1 ay oo ay Sabtidii u geysteen Luton Town ayaa laba dhibcood dhaaftay Arsenal iyo Liverpool oo iyaguna guul-darrooyin kala kulmay Aston Villa iyo Crystal Palace.
Ian Wright oo ka hadlay Premier League ayaa yidhi: “Liverpool way ku guuleysan doontaa dhamaan kulamada u hadhsan, Arsenal na wayku guuleysan doontaa dhamaan ciyaaraha u hadhay. Manchester City oo aynu ognahay in ay sidaa hore u samaysay waxa ay isku dayi doontaa inay ku guuleysato kulamada u hadhay.
“City haddii ay siibato, wali way soo laaban kartaa, laakiin waxa ay lumin doonaan dhibco kulanka Fulham ama Wolves ayay siiban doonaan.”
Waa kuwan kulamada u hadhay Man City
April 25 – Brighton (away) – PL
April 28 – Nottingham Forest (away) – PL
May 4 – Wolves (home) – PL
May 11 – Fulham (away) – PL
May 14 – Tottenham (away) – PL
May 19 – West Ham (home) – PL