Xiddiga Manchester City Kyle Walker ayaa ku maadeystay taageerayaasha Arsenal ka dib markii ay xalay 2-0 kaga badiyeen Tottenham.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Gunners ayaa isku dayay inay habeen hore hurdada ka qasaan ciyaartoyda Man City iyagoo buleero ku shiday afaafka hore ee huteelkii ay moodayeen inay ciyaartoyda Man City jiifeen ee magaalada London.
Laakiin ciyaartoyda Man City habeen hore ma aysan seexanin huteelka oo waxay ku sugnaayeen Manchester iyagoo kaliya u duulay London subaxnimadii Talaadada, sidaasi darteed dadaalkii taageerayaasha Arsenal wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay iyagoo hurdada ka kiciyay kaliya shacab huteelka jiifay.
14/05/24
Ashburton Army (Arsenal) setting off fireworks outside Man City team hotel at 2am before their game away at Tottenham today pic.twitter.com/RXPTr8C8oo
— ULTRAS UK (@ultrasinuk) May 14, 2024
Ciyaarta ka dib Walker ayaa ku maadeystay taageerayaasha Arsenal oo isku daygoodii ku fashilmay isagoo yiri:
“Ciyaaryahan ahaan, dareenka aad heleyso marka aad garoonka ku jirto oo aad hogaanka ku heysaan 2-0 ma ahan mid mar walba ku soo mareysa. Kaliya ma ahan in tartanka Premier League lagu kala baxay balse waa dareenka ay leedahay.
“Xalay waan hurdi waayay, waan ku dhibtooday inaan hurdo. Ka dib maanta ayaan imaanay huteelka, waxaan maqlay inay isku dayeen inay buleero shidaan xalay si ay hurdada inooga toosiyaan, laakiin ma aanan joogin huteelka, way ina seegeen.
“Laakiin waxyaabaha sidaan u yaryar ayaa i xiiso gelinaya, nusa saac aan hurday galabta ayaa madaxa ii toosiyay sababtoo ah kulamadaan oo kale lama seegi karo.”