Jamie Carragher ayaa sheegay in goolhayaha bedelka ku soo galay Stefan Ortega inuu Manchester City u qaaday horyaalka Premier League ka dib markii uu si cajiib ah fursad gool loo fishay ka beeniyay Son Heung-min daqiiqadii 85aad ee kulankii ay City 2-0 ku badisay.
Ciyaarta ka hor, taageerayaasha Arsenal ka baryayay Tottenham inay guul ka gaarto CIty si ay uga caawiyaan Gunners inay ku guuleysato horyaalkoodii ugu horeysay ee Premier League ee muddo 20 sannadood ah.
Si kastaba, Spurs ayaa lagu garaacay 2-0 ka dib labo gool uu ka dhaliyay Erling Haaland taasoo ka dhigeysa in City ay labo dhibcood hogaanka uga heyso Arsenal ka hor kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka ee la dheelayo Axada.
Iyadoo ciyaarta ay 1-0 tahay, Son ayaa fursad hal ka hal ah ku helay goolhayaha balse ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto iyadoo Jamie Carragher uu sheegay in taageerayaal badan oo Arsenal ay TV-ga u jabiyeen markii uu Son qasaariyay fursadaas.
Wuxuu Twitter ku soo qoray: Fursadaas uu helay Son waxay taageerayaasha Arsenal u noqon doontaa goolkii Vincent Kompany sida ay u tahay taageerayaasha Liverpool.”
Carragher ayaa aaminsan in goolhaye Ortega oo badbaadiyay fursada Son inuu xilli ciyaareedkan horyaalka u qaaday Manchester City.
“Xaqiiqda ah inaan Ortega siinay xiddigii ugu fiicnaa garoonka, Ortega marka caawa la eego wuxuu Man City u qaaday horyaalka Premier League” ayuu Carragher ka yiri istuudiyaha Sky Sports.
“Wax badan ayaa soo dhacay xilli ciyaareedkan, laakiin marka aad eegto ciyaartaan, waxa ugu muhiimsan ma aheyn goolkii Haaland ama caawintii De Bruyne. Haddii uusan Ortega badbaadintaas sameyn laheyn, Arsenal ayaa ku guuleysan laheyd horyaalka.
“Fursadaas uu qasaariyay Son kama go’i doonto qalbiyada taageerayaasha Arsenal ilaa 15ka sannadood ee soo socda. Xitaa haddii ay ku guuleystaan horyaalka oo ay fursad fiican u heystaan weli fursadaas la qasaariyay ma ilaawi doonaan.”