Manchester United ayaa soo gashay tartanka loogu jiro weeraryahanka Spain ee Dani Olmo oo qandaraaskiisa RB Leipzig lagu burburin karayo £52 milyan oo Gini. 25 jirkan ayaa waxa hore u xiisaynayay Real Madrid, Man City, Chelsea iyo Tottenham. (Mail)
Liverpool waxa ay kala dooranaysaa tababareyaasha Sporting Lisbon ee Ruben Amorim iyo Brighton ee Roberto de Zerbi oo uu midkood noqon doono macallinka beddelaya Jurgen Klopp, kaddib markii ay ka quusteen Xabi Alonso. (Telegraph)
Wakiillo ka socda Manchester United ayaa waddanka Spain u tegay inay kasoo shaqeeyaan sidii ay Red Devils ula saxeexan lahayd weeraryahanka Real Madrid ee Joselu oo amaah ay kaga soo qaateen Espanyol xagaagii. (Relevo)
United waa in ay bixiso 60 milyan oo Euro oo u dhiganta £51.3 milyan oo Gini, haddii ayd oonayso inay hesho difaaca Brazil iyo Juventus ee Gleison Bremen, laakiin Red Devils ayaa isku dayi doonta in heshiiska uu qayb ka noqdo Mason Greenwood. (Gazzetta dello Sport)
Barcelona ayaa ogaatay in aanay heli karaynin khadka dhexe ee reer Germany ee Joshua Kimmich oo 29 jir ah, kaas oo la sheegay in ay Manchester United u dhow dahay, inkasta oo Man City iyo Liverpool ay iyaguna doonayaan. (Sport)
Manchester City iyo Newcastle United ayaa mid walba ay diyaar u tahay inay Man United kula tartanto saxeexa difaaca dhexe ee Everton iyo xulka England ee Jarrard Branthwaite oo 21 jir ah. (Football Transfers)
Liverpool, Borussia Dortmund iyo RB Leipzi waxa ay diyaar u yihiin inay ku dagaallamaan difaaca reer Spain ee Dean Huijsen oo 18 jir ah, kaas oo hadda amaah ugu maqan Roma. (Gazzetta dello Sport)
Newcastle waxa ay doonaysaa dhawr ciyaartoy oo reer Brazil ah, sida garabka weerarka Barcelona ee Raphinha iyo difaaca Juventus ee Gleison Bremen oo 27 jir ah. (Newcastle Chronicle)
Manchester United iyo Tottenham ayaa mid walba ay doonaysaa inay la saxeexato difaacii yaraanta kaa baxsaday Barcelona ee Jean-Clair Todibo oo 24 jir ah, isla markaana wacdaro ka dhigaya kooxda reer France ee Nice. Daafacan dhexe oo lagu qiimeeyey £40 milyan oo ini ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barca.