Ka hor bilowga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, Kepa Arrizabalaga ayaa la filayay inuu noqdo lambarka koowaad ee Blues ee hoos yimaada Mauricio Pochettino.
Taa bedelkeeda, dalab amaah ah oo ka yimid Real Madrid, ayaa ku qasabtay in Isbaanishku uu qaato fursadaas isagoo rajeynayay inuu si joogto ah ugu biiro Bernabeu.
Inkastoo 29 jirkaan uu 19-kulan kusoo bilowday isla markaana uu hal bedel ugu soo galay Los Blancos, hadana waxa uu booskiisa waayay qeybtii labaad ee ololaha.
Natiijo ahaan, Real hadda ma raadineyso saxiixiisa si rasmi ah, taasoo ka dhigeysa Arrizabalaga inuu ku laabto kooxdiisii hore.
Qandaraaska Arrizabalaga waxaa ka harsan hal sano, wax qarsoodi ah ma ahan in Chelsea ay u furan tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya goolhayahan.
Sida ay qortay Marca, waxaa miiska saaran dalab uga yimid Al-Itixaad.
Difaacashadooda horyaalka Saudi Pro League ayaa ku dhamaaday guul daro iyadoo kooxda ay ku dhameysteen kaalinta shanaad, iyagoo 42 dhibcood ka hoos martay kooxda heysata horyaalka Al-Hilaal.
Al-Ittihad ayaa rajeynaysay inay Stefano Pioli u magacawdo macalinkooda cusub dhamaadkii Isbuuca, kaliya heshiiskaas waa la baabi’iyay sababo la xiriira habsaamid ku imaaday heshiiska.
Si kastaba ha ahaatee, Arrizabalaga ayaa helay dalab qaali ah oo uu ugu wareegayo bariga dhexe, kaas oo uu hadda qiimaynayo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ciyaaryahankii hore ee Athletic Bilbao uusan ku degdegin inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa, isagoo ka warqaba in dalabyo kale ay dhici karaan waqtigeeda.
Inkastoo Enzo Maresca uu haatan hogaanka u hayo, ma jiraan wax soo jeedin ah oo sheegaya in tababaraha Talyaaniga uu diyaar u yahay inuu dib ugu soo celiyo Arrizabalaga darajada sare.
Robert Sanchez ayaa u muuqda mid loo dalacsiin doono dooqa koowaad ee kooxda Blues taas oo ka dhigan inay iska ilaaben Kepa.