Weeraryahanka Spain Alvaro Morata ayaa qirtay inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah ka dib dhamaadka Euro 2024, wuxuuna si weyn u dhaleeceeyay ixtiraam la’aanta ay u muujiyeen kuwa dalkiisa.
31-sano jirkaan ayaa hogaaminaya safka La Roja ee tartanka xagaagan isagoo ahaa dooqa koowaad ee weerarka Luis de la Fuente oo dhaliyay gool kulankoodii furitaanka, iyagoo 3-0 kaga badiyay Croatia iyagoo ku jiray Group B.
Si kastaba ha ahaatee, Morata ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto afar kulan oo uu saftay tan iyo markaas, waxaana qaab ciyaareedkiisa xaday labada ciyaaryahan ee kala ah Lamine Yamal iyo Nico Williams.
Weeraryahanka Atletico Madrid ayaan weli dhameysanin 90-ka daqiiqo ee ciyaarta Euro 2024, waxaana jirtay cabsi kooban oo laga qabay in la ganaaxo kulanka Talaadada ee semi-finalka ay la ciyaarayaan France ka dib markii la sheegay inuu qaatay jaale kulankii wareega 8da ee ay ka badiyeen. Jarmalka.
Morata ayaa diyaar u ah kulanka Les Bleus, inkastoo UEFA ay xaqiijisay in weeraryahanku uusan qaadan jaalihiisii labaad ee tartanka isagoo wajahaya kooxda martida loo yahay, taasoo la micno ah in la filayo inuu hogaamiyo weerarka xulkiisa.
Weeraryahankii hore ee Chelsea, Juventus iyo Real Madrid ayaa haatan ah kabtan ku xigeenka qarankiisa isagoo ka dambeeya Jesus Navas, waxaana uu dhaliyay 36 gool 78 kulan oo uu saftay, isagoo ku jira kaalinta afaraad ee liiska gooldhalinta abid ee ragga.
Kaliya waxaa ka badan Fernando Torres oo dhaliyay 38 gool
Raul oo dhaliyay 44 gool,
iyo David Villa oo 59 gool dhaliyay.
Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu siiyay El Mundo ka hor semi-finalka Talaadada, Morata ayaa qirtay inay u badan tahay” inuu siibo kabaha caalamiga ah marka uu dhamaado Euro 2024.
31 jirkaan ayaa sidoo kale qirtay inuu dareemayo farxad badan marka uu ka ciyaarayo meel ka baxsan Spain, isagoo sheegay inuusan dareemayn ixtiraam marka uu ka ciyaaro dalkiisa hooyo.
Morata ayaa hogaamin doona Xulka Spain kulanka Semi-finalka ay Allianz Arena kula ciyaari doonaan France, iyadoo labada ciyaaryahan ee Dani Carvajal iyo Robin Le Normand ay ganaax ku maqan yihiin, halka Pedri uu isna dhaawac jilibka ah ka soo gaaray wareega 8da.