Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dacwad ka gudbiyey wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas oo uu ku eedaynayo inuu ku sameeyey sumcad-dil iyo inuu sharaftiisa dhaawac u geystay, kaddib markii uu wasiirku saxaafadda u sheegay in Karim Benzema uu xidhiidh la leeyahay kooxda ay Masar liiska argagixisada gelisay ee Ikhwaanul Muslimiin.
Gérald Darmanin ayaa bishii October waxa uu saxaafadda Faransiiska u sheegay in Benzema uu xidhiidh la leeyahay kooxda Sunniga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, laakiin qareenka Benzema oo dacwadda oogey ayaa waxa uu sheegay in wasiirku uu been-abuur ka sameeyey laacibkan oo uu sidoo kalena sumcad-dil ku sameeyey.
Ikhwaanul Muslimiin oo laga mamnuucay waddamo badan sida Masar, Ruushka iyo Sucuudiga, ayaa Gérald Darmanin uu isku xidhiidhiyey Benzema, kaddib markii uu laacibkani ka hadlay weerarka ay Israa’iil ku qaadday Falastiin.
Benzema ayaa waqtigaas yidhi: “Waxa aan garab taaganahay shacabka Qasa ee dhibbaneyaasha u ah bambaanooyinka lagu garaacayo iyadoon loo aabbo-yeelaynin dumarka iyo carruurta.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Faransiiska Gérald Darmanin oo u jawaabay Benzema ayaa yidhi: “Waxa aanu si fiican u ognahay in Benzema uu xidhiidh la leeyahay Ikhwaanul Muslimiin. Waxa aanu la dagaallamaynaa fikirka Ikhwaanul Muslimiin, sababtoo ah waxay abuuraan jawi jihaadnimo.”
Si kastaba, Karim Benzema ayaa isla bishii October waxa uu shaaciyey inuu sharciga la tiigsan doono wasiir Gérald Darmanin, Salaasadii shalayna waxa lasoo bandhigay qoraal cabasho iyo dacwad ah oo ka kooban 92 bog oo uu Karim Benzema u gudbiyey maxkamad ku talla Faransiiska, isaga oo sheegay in aanu waligii xidhiidh la yeelanin Ikhwaanul Muslimiin.