Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa digniin u diray Real Madrid ka hor kulankooda lugta hore ee semi-finalka Champions League oo ka dhici doona magaalada Munich, halkaas oo ciyaartoyda Real Madrid ay shalay gaadheen.
Bayern Munich oo kasoo adkaatay Arsenal wareeggii siddeedda, ayaa waxa ay doonaysaa inay caawa ku shaqaysato garoonkeeda, isla markaana lugta labaad ee toddobaadka dambe ay is-difaacdo si ay u gaadho finalka Champions League.
Tartanka kaliya ee ay Bayern Munich ku guuleysan karayso xilli-ciyaareedkan ayaa ah Champions League maadaama dhamaan lagaga adkaaday tartamadii kale, laakiin Real Madrid oo kasoo takhalustay Manchester City ayaa iyaduna doonaysa inay isku darsato horyaalka Laliga oo ay qarka u saaran tahay, Spanish Super Cup oo ay bishii January ku guuleysteen iyo Champions League.
Bryan Zaragoza oo Bayern Munich ay bishii January kala soo wareegtay Granada oo ka hadlay ciyaartan ayaa yidhi: “Waanu ognahay in Real Madrdi ay tahay koox weyn oo ka mid ah naadiyada ugu wanaagsan Champions League, sidayada oo kale, laakiin ciyaartu waa 50-50%.
“Qolkayaga labbiska waxa ka jirta niyad-samaan iyo doonis, waxaananu kalsooni ku qabnaa in aanu guuleysanayno, guul ayaananu u dagaallamaynaa.”