Leicester City waxa ay Isniintii ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship, waxaanay dib ugu soo laaban doontaa horyaalka Premier League ee ay xilli-ciyaareedkii hore ka dhacday.
Kooxdan lagu naanayso ‘Dawacooyinka’ ayaa la dhaadhacday inta badan ciyaartoydeeda oo heerka labaad u raacday, marka laga reebo dhawr laacib oo uu ugu horreeyo James Maddison oo ka biyo-diiday inay sii joogaan kooxda isla markaana ka tegay xagaagii oo ku qasbay in la iibiyo.
Sirta ka dambaysa guusha kooxdan ee sida degdegga ah ugu soo laabatay horyaalka Premier League ayaa lagu sheegay inay tahay xiddigaheedii muhiimka ah oo inta badan ay ku dhegtay, iyadoo sidoo kalena aanay waxba iska dhimin mushaharkii ciyaartoydan.
Xilli-ciyaareedkii ay joogay Championship, Leicester City ayaa ahayd kooxdii ugu mushahar bixinta badnayd, waxaanay si aad ah uga sarraysay kooxihii hore uga dhacay sallaanka Premier League ee Southampton, Leeds United, Norwich City iyo West Ham.
Isbarbar-dhig lagu sameeyey mushaharka 24ka kooxood ee heerka labaad ee Ingiriiska ka dheela ayaa waxa ay Leicester City ahayd kooxda kaalinta 1aad ku jirtay, waxaanay xilli-ciyaareedkii ay halkaas ka ciyaaraysay ay bixisay lacag ka badan £60 milyan oo Gini, halka Southampton oo kaalinta labaad ahayd ay bixisay £40 milyan oo Gini.
Halkan kaga bogo mushaharka ay bixiyeen 24ka kooxood ee Championship-ka:
1. Leicester City – £60,190,000
2. Southampton – £40,014,000
3. Leeds United – £39,513,000
4. Norwich City – £24,196,000
5. West Bromwich Albion – £23,060,000
6. Cardiff City – £19,444,000
7. Stoke City – £18,340,000
8. Watford – £14,952,000
9. Sheffield Wednesday – £14,584,000
10. Middlesbrough – £13,582,000
11. Birmingham City – £13,228,000
12. Bristol City – £12,894,000
13. Hull City – £12,333,200
14. Swansea City – £12,276,000
15. Queens Park Rangers – £12,020,000
16. Ipswich Town – £11,378,000
17. Preston North End – £10,942,200
18. Coventry City – £10,008,000
19. Millwall – £9,856,000
20. Huddersfield Town – £9,258,000
21. Sunderland – £9,150,000
22. Blackburn Rovers – £7,678,000
23. Rotherham United – £6,674,000
24. Plymouth Argyle – £6,060,000