Xiddiga reer England ee Jude Bellingham waxa uu xalay kooxdiisa Real Madrid uga ciyaaray boos cusub oo uu kasoo dhalaalay, isla markaana uu qayb weyn ka qaatay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Bayern Munich ee ay ugu gudubtay finalka tartanka Champions League.
20 jirkan oo xagaagii ay Real Madrid kasoo bixisay lacag dhan £115 milyan oo Gini, ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu cadcad ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or ee sannadkan, isaga oo 39 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay kooxdiisa u dhaliyey 22 gool iyo 10 kale oo uu caawiye ka noqday.
Jude Bellingham oo caadiyan uu booskiisu yahay khadka dhexe, ayaa Real Madrid ay hore ugu riixday dhexda hore si uu goolal u dhaliyo, laakiin ciyaartii lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich waxa laga beddelay booskaas, waxaana uu ka dheelay garabka bidix ee weerarka iyadoo Vincius Junior uu weerarka dhexe kusoo durkay.
Real Madrid oo shaxdeedu ahayd 4-4-2, ayaa weerarka waxa ka dheelayey Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes, halka Jude Bellingham uu tegay garabka bidix oo uu bandhig fiican ka sameeyey, waxaana arrintan uu ammaan badan kaga mutaystay saxaafadda Ingiriiska.
Wargeyska The Sun oo sawir ku muujiyey shaqadii uu Jude Bellingham ka qabtay garabka bidix, ayaa waxa uu usoo jeediyey tababare Gareth Southgate in uu dhinaca bidix ka dheelsiiyo Jude Bellingham tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha dambe ka dhici doona waddanka Germany.
England oo khadka dhexe ku haysata Kobbie Mainoo ayaa waxa sidoo kale ay ku lammaanaysiin doonaan Declan Rice iyo Jude Bellingham, halka Cole Palmer ay tahay in Gareth Southgate uu boos u sameeyo maadaama garabka midig uu iska leeyahay Bukayo Saka oo aanay cidina ka furfuri karaynin.