Garsoore hore Mike Dean ayaa weerar ku qaaday garsooraha Premier League Sunny Singh Gill kaasoo saxiixyo u sameeyay taageerayaasha garoonka waqtigii nasashada ee kulankii Crystal Palace iyo Luton Town.
39 jirkaan ayaa taariikh sameeyay Sabtidii isagoo noqday garsoorihii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Koonfurta Aasiya oo garsoore ka noqda Premier League isagoo dhexdhexaadiyay kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee Crystal Palace iyo Luton ee ka dhacay garoonka Selhurst Park.
Garsooraha ayaa ahaa shaqsi weyn ciyaarta looga hadal hayay madaama uu taariikh dhigay, waxaana la arkayay isagoo saxiixyo u sameynaya taageerayaasha waqtigii nasashada taasoo keentay inay ka careysiiso garsoorihii hore ee Premier League Mike Dean.
Mikel Dean ayaa falka uu ku gacay Gill ku tilmaamay mid anshaxa iyo xeerkaba ka baxsan, laakiin taageerasha kubada cagta ayaa ka soo horjeestay fekerka Mike Dean iyadoo taageere uu soo qoray:
“Yaa kala jecel waxa uu Mike Dean aaminsan yahay. Ninkaan waa nin jecel in isaga uun indhaha eegaan, ilaa iyo haatana sidaas ayuu sameynayaa.”
Garsoore Sunny Singh Gill waxa uu sidoo kale yahay sarkaal ka shaqeeya xabsiyada, waxaana uu dhawaan sheegay inuu doonayo inuu tusaale u noqdo caruurta Aasiya ka soo jeeda ee jecel kubada cagta.