Kabtanka xulka Ingariiska Harry Kane ayaa seegi doona kulanka saaxiibtinimo ee ay Sabtida la ciyaarayaan Brazil iyo kulanka ay Talaadada la dheelayaan Belgium sida laga soo xigtay The Sun.
Kane ayaa goob joog u noqon doona kulanka Wembley ee Sabtida laakiin waxaa la filayaa inuu dib ugu laabto Jarmalka si uu u sii wato soo kabsashadiisa.
Waxa soo gaaray dhaawac canqowga ah ka dib markii uu ku dhacay birta goolka kulankii ay Bayern Munich 5-2 kaga badisay Darmstadt Sabtidii la soo dhaafay.
30 jirkaan ayaa tababar gooni ah sameynayay tan iyo markii uu xulka England ku biiray todobaadkan, lamana filayo in halis la geliyo labada kulan ee saaxiibtinimo.
Kyle Walker ayaa noqon doona kabtanka cusub ee England inta uu maqan yahay Harry Kane.
Midkood Ollie Watkins ama Ivan Toney ayaa fursad u heli doona inay hogaamiyaan weerarka xulka England kulanka Brazil.
Kane ayaa seegay hal kulan oo heer caalami labadii sannadood iyo bar ee ugu danbeysay, waana kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Australia bishii Oktoobar.
Laakiin uma dheeli doono England ilaa iyo kulamada ay isagu diyaarinayaan Eruo 2024 ee ay la ciyaarayaan Bosnia iyo Iceland bisha Juun.
England ayaa durba weysay xiddiga Arsenal Bukayo Saka oo dib ugu laabtay kooxdiisa si uu u soo kabsado.
Gareth Southgate ayaa la filayaa inuu shax xoogan kala hortago xulka Brazil oo ay ku jiraan Jude Bellingham, Declan Rice iyo Phil Foden.