Xiddig hore oo Chelsea ayaa xaaskiisa furay ka dib markii DNA la qaaday lagu ogaaday in labadiisa caruur uu dhalay nin ay horay saaxiibo u ahaan jireen xaaskiisa.
Xiddigii hore ee khadka dhexe Geremi oo 45 sanno jir ah ayaa sheegay in mataanihiisa ay dhasheen ka dib markii xaaskiisa Laure ay gogol dhaaf sameysay.
Dukumiintiyo maxkada dalkiisa Cameroon loo gudbiyay ayaa sheegaya inay jabisay sharcigii guurka islamarkaana ay ku kacday hab dhaqan aad u xun.
Waxaa sidoo kale dukumiintiga lagu sheegay inay been badan sheegtay, iyadoo la shaaciyay in guurkooda aysan ka dhalin wac caruur ah.
Mataanaha ay dhashay xaaskiisa bishii Juun 2008dii, waxay u sheegtay inuu isaga dhalay balse waxaa ka dhalay nin ay horay saaxiibo u ahaan jireen.
Waxa uu sidoo kale sheegay in beenta badan ee ay xaaskiisa u sheegi jirtay inay dhaawacday maankiisa.
Xiddiga Cameroon Geremi ayaa u dheelay Chelsea 109 kulan intii u dhaxeysay sannadihii 2003 ilaa 2007.
Mudadii uu joogay Stamford Bridge waxa uu u dhaliyay afar gool.
Geremi waxa uu sidoo kale u ciyaaray Real Madrid intii u dhaxeysay sannadihii 1999kii ilaa 2003dii.