Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa durba loo bandhigay shaqo lama filaan ah oo usii diyaarsan marka uu kulankiisa ugu dambeeya layliyo Real Madrid bisha May ee sannadkan oo uu ku egyahay waqtigii uu shaaciyey inuu ka tegayo Anfield.
Bishii January ayuu Jurgen Klopp kaga nixiyey kooxdiisa go’aan ahaa in uu ka tegi doono Liverpool marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda ee 2023/24, taas oo ka dhigan in uu soo afjarayo sagaal sannadood oo uu laylinayey kooxda uu hoygeedu yahay Anfield.
Intii uu ku dhawaaqay go’aankiisa kaddib, Liverpool waxay ku guuleysatay Carabao Cup oo finalkii ay 1-0 kaga badiyeen Chelsea, haddana waxa uu ku loollamayaa saddexda koob ee kale ee Premier League oo ay kooxdiisu hoggaaminayso, FA Cup oo ay wareegga siddeedda isku dhaceen Man United iyo Europa League oo ay wareegga 16ka dheelayaan.
Jurgen Klopp ayaa hore u caddeeyey in uu muddo sannad ah fasax ka geli doono garoomada oo uu qoyskiisa waqti la qaadan doono, hase yeeshee sida uu ku warramayo Daily Mail, labada telefishan ee Ingiriiska ee BBC iyo ITV ayaa mid walba ay doonaysaa in Jurgen Klopp ay u bandhigto heshiis shaqo, si uu uga mid noqdo khubaradooda falanqayn doona ciyaaraha Euro 2024.