Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa usbuuc weyn ay u tahay, waxaana foodda is-daraya kooxaha figta sare isku eryanaya ee u dagaallamaya in midkood uu ku guuleysto horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan.
Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku martigelin doonta Manchester City, waana ciyaarta ugu weyn ee toddobaadkan, mana jiri doonto kulan ka xiiso badnaanaya oo ka weyn illaa laga gaadhayo dhamaadka bishan March oo ay Man City garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweyn doonto Arsenal oo iyaduna si weyn ugu dagaallamaysa horyaalka.
“Waxay ila tahay, Bradley inuu shaqo fiican qaban doono mar kale, waanu u baahan yahay inuu ciyaaro. Waxay u badan tahay inay iska hor iman doonaan Doku, waana wax caadi ah, balse Salah vs Ake ayaa ciyaarta fure u noqon doona.”
Intaas kaddib ayuu Paul Merson saadaaliyey ciyaarta, waxaana uu sheegay in saddexda dhibcood ay Liverpool ku qaadan doonto guul 2-1 ah.
Waxa kale oo uu Paul Merson ka farxiyey taageereyaasha kooxda Arsenal oo uu u sheegay inay isku diyaariyaan dabbaal-degyo waaweyn oo ay kooxdoodu soo geli doonto kaalinta labaad usbuucan, iyadoo 4-0 ku xasuuqaysa Brentford.
Manchester United ayaa heli doonta fursad ay ugu soo dhowaato kaalinta afraad, waxaana uu Paul Merson saadaaliyey in ay barbarro geli doonaan Aston Villa iyo Tottenham oo ku jira kaalmaha afraad iyo shanaad.
Halkan kaga bogo saadaasha Paul Merson ee kulamada usbuucan:
Manchester United 2-0 Everton
Crystal Palace 2-1 Luton Town
Bournemouth 3-0 Sheffield United
Wolverhampton Wanderers 2-1 Fulham
Arsenal 4-0 Brentford
Aston Villa 2-2 Tottenham Hotspur
West Ham United 3-0 Burnley
Brighton & Hove Albion 3-1 Nottingham Forest
Liverpool 2-1 Manchester City