Jurgen Klopp ayaa ku amaanay Pep Guardiola inuu yahay tababaraha ugu sareeya dunida. Si kastaba, waxa uu sugi weysan yahay inuu ogaado haddii ay Manchester City ku kacday khiyaano dhaqaale taasoo ka caawisay guulaheeda.
Klopp ayaa macsalaameyn doona Anfield maanta isagoo soo gabagabeynaya waayihiisii kooxda Liverpool marka ay Reds la ciyaarto maanta kooxda Wolves.
Inkastoo tababaraha Jarmalka uu ixtiraam u hayo Guardiola hadana waxa uu sheegay inuu u baahan yahay ogaado natiijada baaritaanka 115ka dacwadood ee ku furan Man City iyo haddii ay taasi dabooli doonto guulahooda.
“Qof walba waa ogsoon yahay 115ka dacwadood ee loo heysto City, laakiin wax fekrad ah kama heysto waxay taasi la micno tahay” ayuu qirtay Klopp. “Kaliya waxaan ogahay tirada.
“Wax walba oo ay Manchester City ku kacday, Pep Guardiola waa tababaraha ugu fiican dunida – taasina waa wax weyn.
“Haddii aad tababare kale u dhiibto kooxdaas, kuma aysan guuleysteen afar horyaal oo isku xigta. Guulahaas isaga iyo ciyaartoydiisa ayaa ka danbeeya.
“Taasi ma waxay la micno tahay inay sameyn karaan wixii ay doonaan? Maya. Laakiin ma garanayo danbigii ay galeen. Haddii ay danbi galeen dabcan waan arki doonaa.
“Maalin uun waan jeclaan lahaa inaan ogaado haddii City lagu helay danbigii ay galeen. Qof walba ayaa doonaya inuu ogaado. Laakiin meel kale ayaan joogi doonaa waqtigaas.
“Tayada Pep ayaa natiijooyinka keenta sidaasi darteed walwal kama qabo guulahooda.
“Waan arki doonaa. Dhibaatadeyda ma ahan, waana ku faraxsanahay waxa aan heysano iyo guulaha aan gaarnay”