Jurgen Klopp ayaa fariin u diray tababaraha xulka England Gareth Southgate ka dib barbarihii ay Liverpool la gashay Manchester City.
Tababaraha Reds ayaa ku faraxsanaa bandhigii kooxdiisa inkastoo ay ku guuldareysteen inay guusha heleen kulankii muhiimka u ahaa tartanka horyaalka.
Alexis Mac Allister ayaa kansalay goolkii John Stones uu hogaanka ugu dhiibay Manchester City, laakiin Liverpool ayaa gabi ahaanba ciyaarta kala wareegtay City qeybtii labaad.
Jarrell Quansah iyo Van Dijk ayaa aamusiyay weerarka Man City gaar ahaan Erling Haaland.
Klopp ayaana amaan ugu qubeeyay da’ yarka daafaca dhexe Quansah ciyaarta ka dib isagoo sidoo kale ka hadlay jaceylka uu u qabo Joe Gomez.
Wuxuuna fariin u diray tababaraha xulka England Gareth Southgate isagoo su’aal ka keenay sababta uusan weli Joe Gomez ugu yeerin xulka England.
Klopp ayaa yiri: “Daacadii Gareth. Joe Gomez?
“Halkaan uma taagni inaan Gareth u sheego cida ay tahay inuu u soo yeerto.
“Laakiin Joe Gomez haddii uu u soo yeero wuxuu helayaa ciyaaryahan afar boos u buuxin kara. Cajiib.”
Gomez ayaa 11 kulan u saftay xulka England iyadoo kulankiisii ugu danbeysay uu ahaa bishii Oktoobar 2020kii, inkastoo uu muhiim u ahaa Liverpool.
Waxa uu sidoo kale awood u leeyahay inuu ka ciyaaro dhamaan afarta boos ee daafaca, waxaana laga yaabaa inuu xulka England ku soo laabto madaama daafaca bidix Luke Shaw uu dhaawac yahay.