Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu ka tegi doono kooxdiisa xagaaga soo socda oo uu u wareegi doono kooxaha Spain ee Real Madrid iyo Barcelona midkood, waxaana uu naadiyadan ku tilmaamay kuwo ‘cajiib ah’.
29 jirkan oo sannadkii 2015 ay Bayern Munich kala soo wareegtay RB Leipzig, ayaa guulo badan ku gaadhay Allianz Arena, waxaana ka mid ahaa sagaal horyaal oo Bundesliga ah iyo hal Champions League.
Wargeyska AS ayaa weydiiyey Joshua Kimmich wararka sheegaya in uu ka tegayo kooxdaas oo uu kusii jeedo naadiyada Spain midkood, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan doonayaa in aan marka hore la hadlo Bayern Munich, markaana kaga hadli maayo saxaafadda. Hadda waxa aan kaliya diiradda saarayaa labada ciyaarood ee Real Madrid, waqtiganna kama fikirayo arrinta mustaqbalka.
“Sida aan mar horeba sheegay, Bayern ayaan la hadli doonaa marka hore, laakiin dabcan, Barcelona iyo Madrid waa kooxo leh taariikho cajiib ah.”