Jose Mourinho ayaa ku dooday in tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City ay ku qosli doonaan isku dhaxyaacsanaanta iyo qaska kooxaha Manchester United iyo Chelsea ay geli doonaan xilli-ciyaareedka dambe, waxaana uu sii niyad-jabiyey taageereyaasha labadan kooxood ee uu hore usoo layliyey.
Chelsea ayaa waxa ay si lama filaan ah shaqada uga caydhisay Mauricio Pochettino oo ay ku beddelayso Enzo Maresca oo aan lahayn khibrad tababarenimo, isla markaana shaqadiisii ugu weynayd ay ahayd Leicester City oo heerka labaad ka dheelaysay oo uu tababare u ahaa xilli-ciyaareedkii hore.
Sidoo kale, Manchester United ayaa la filayaa inay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag oo laba sannadood oo uu joogay Old Trafford aan wax isbeddel ah ku samaynin, inkasta oo uu u qaaday Carabao Cup iyo FA Cup, waxaana la sheegayaa in Red Devils ay ku beddeli doonto Mauricio Pochettino ama Thomas Tuchel.
Jose Mourinho oo heshiis la gaadhay Fenerbahce oo uu tababare u noqonayo, ayaa waxa isaga oo xalay ka hadlayey telefishanka TNT Sports oo uu ka falanqaynayey finalkii Champions League ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund, waxa wax laga weydiiyey xaaladda Chelsea, waxaanu yidhi: “Anigu wax fikir ah kama haysto.
“Tottenham fikrad ayaan ka haystaa, Tottenham waa koox mar walba u dagaallamaysa kaalinta afraad, waxaanay noqonayaan koox cajiib ah oo u dhaxaysa kaalmaha afraad, shanaad, lixaad, xilli-ciyaareedka dambena waxay kasoo qayb-gelayaan Europa League, dabcan waanayku guuleysan karayaan.
“Waxay u muuqdaan inayyihiin koox xasilloon, lacag badan ayay kharash gareeyaan, waa naadi cajiib ah oo garoonkeedu qurux badan yahay, adeegyadeeduna fiican yihiin.
“Laakiin Chelsea, anigu waxba kama garanayo run ahaantii.”
Mar wax laga weydiiyey Manchester United, waxa uu Jose Mourinho ku jawaabay: “Woxoogaa yar oo horumar ah ayay sameeyeen, laakiin wali waa isla sidii hore uun.
“Waxay ila tahay in Man United iyo Chelsea ay ku jiraan marxalad ay ku qoslayaan Pep Guardiola iyo kooxdiisu.”