Jose Mourinho ayaa magacaabay kooxaha uu ku taageerayo inay ku guuleystaan Champions League iyo Premier League xilli ciyaareedkan.
Waxa uu sidoo kale shaacay ka qaaday mid ka mid ah kooxihiisa hore oo uu jeclaan lahaa inay koobab qaado xilli ciyaareedkan.
Macalinka reer Portugal ayaa bilaa shaqo ah ka dib markii laga ceyriyay kooxda AS Roma bishii Janaayo, iyadoo mar kale uu dhibane u noqday inkaarta qabsata xilli ciyaareedkiisa seddexaad ee koox walba.
Mourinho ayaa ka soo muuqday barnaamijka Rio Ferdinand ee Five , wuxuuna saadaal ka bixiyay kooxaha ku guuleysanaya horyaalka Ingariiska iyo koobka Dhega Weyne.
Dhanka horyaalka marka uu ka hadlayay waxa uu guud maray Manchester City iyo Liverpool ka hor inta uusan horyaalka u saadaalinin kooxda Pep Guardiola.
Champions Leagu waxa uu yiri: “Champions League waxaan dhihi lahaa City ama Real Madrid. Haddii koox aan labadaas aheyn ay ku guuleysato, lama filaan ayay igu noqon doontaa.
“Waxaan jeclaan lahaa in Real Madrid ay mar kale ku guuleysato, waana la jeclaan lahaa koobka kooxda iyo Carlo Ancelotti. Bayern Munich way ku guuleysan kartaa, Paris Saint-Germain si la mid ah.
“Markaan eego tayada, waxaan qabaa horyaalka waa City iyo Liverpool, Champions League waa City iyo Real Madrid.”
Isodhaweya