Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wada-hadallo kula jira koox lama filaan ah oo la filayo in loo magacaabo xagaaga soo socda, iyadoo dhowaan uu Special One sheegay in uu iska diiday dalabyo badan.
61 jirkan oo shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii January markii ay AS Roma shaqada ka eriday, ayaa waxa uu lala xidhiidhinayaa naadiyo horyaalka Premier League ah iyo kuwo kale oo dunida kale ah.
Macallinkan hore ee Chelsea, Manchester United, Tottenham, Real Madrid iyo Inter Milan, ayaa waxa la sheegay in ay xidhiidheen koox ka dhisan waddanka Sucuudiga oo uu u dhow yahay inuu ogolaado dalabkooda.
Kooxda uu Jose Mourinho albaabadiisa u furay ayaa lagu magacaabaa Al-Qadisiah oo la filayo in ay maalgelin badan samayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, si ay ula tartanto kooxaha ay shirkadda PIF maamusho ee Al Ittihad, Al Ahli, Al Nassr iyo Al Hilal.
Jose Mourinho oo dhowaan la hadlay wariye Ben Jacobs ayaa waxa uu sheegay in aanu wali go’aan gaadhin, balse waxa uu qiray inay jiraan kooxo Sucuudi ah oo lasoo xidhiidhay.
Dhinaca kale, kooxaha horyaalka Premier League ee Newcastle United iyo Chelsea ayaa la sheegay in ay doonayaan tababarahan reer Portugal, waxaase iyadna lala xidhiidhinayaa Bayern Munich.