Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay dhaawaca xiddig ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, kaas oo aanay haysanin ciyaartoy booskiisa buuxin karaya.
Manchester United ayaa waxa uu daaniye ama xar ka galay difaaca dhexe oo noqday xaabo dhaawacyo daawashadeen, waxaana hore uga maqnaa Lisandro Martinez, Raphael Varane, Victor Lindelof iyo xataa saxeexii cusbaa ee Jonny Evans, taas oo qasabtay in Erik ten Hag uu difaaca dhexe ka wada ciyaarsiiyo Harry Maguire iyo Casemiro.
Red Devils ayaa waxa hadda ay xaqiijisay, in Harry Maguire uu dhaawacmay oo uu ka maqnaan doono afarta ciyaarood ee uga hadhsan xilli-ciyaareedka, waxaana sidoo kale uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha June ka furmi doona waddanka Germany.
War-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United ayaa lagu yidhi: “Harry Maguire waxa uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa illaa saddex toddobaad.”
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa hadda uu si toos ah ugu gudbayaa walaaca dhaawaca Harry Maguire maadaama Manchester United ay ka saarayso liiskeeda oo ay ka quusanayso kulamada u hadhsan.
Manchester United oo Isniinta la ciyaari doonta Crystal Palace oo ay safar ugu tegi doonto ayaa waxa Ten Hag u taalla shaqo adag oo ah ciddii uu ka ciyaarsiin lahaa difaaca dhexe.