Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa helay shaqadiisii ugu horreysay afar bilood kaddib markii ay eriday AS Roma, waxaanay shaqadiisani imanaysaa iyadoo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo Yurub iyo Asia ah.
Jose Mourinho oo hore usoo layliyey kooxaha Chelsea, Real Madrid, Inter Milan, Manchester United, Tottenham, FC Porto iyo AS Roma ayaa waxa uu shaqo la’aan noqday bishii January, kaddib markii uu hoos u dhac ku yimid Roma.
61 jirkan ayaa hadda shaqo lama filaan ah oo waqti kooban ah qaban doona, waxaana uu heshiis la gaadhay telefishanka TNT Sports oo uu u daadihin doono ciyaarta finalka Champions League.
Mourinho ayaa noqon doona khabiirka ay wariyeyaashu weydiin doonaan su’aalaha la xidhiidha ciyaarta finalka Champions League ee Real Madrid oo uu hore usoo layliyey iyo Borussia Dortmund, taas oo ka dhici doonta garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.
Intii u dhaxaysay 2010 illaa 2013 ayuu Mourinho tababare u ahaa Real Madrid oo uu haddana falanqeeye uga noqon doono ciyaartooda finalka, waxaana ku wehelin doona oo falanqaynta la daadihin doona Rio Ferdinand, Owen Hargreaves iyo Steve McManaman.
Waxa kale oo iyaguna daadihiyeyaasha TNT Sports ee ciyaartan ku jiri doonta Laura Woods, hase yeeshee Darren Fletcher iyo Ally McCoist ayaa loo qaatay inay noqdaan tabiyeyaasha tooska ah ee ciyaarta