Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa bannaanka soo dhigay hal arrin oo layaableh oo ay leeyihiin kooxaha horyaalka waddanka Turkey oo uu xusay inuu khibrad badan u leeyahay, isaga oo maantana heshiis la gaadhay Fenerbahce oo uu u saxeexayo qandaraas laba sannadood ah.
Jimcihii maanta ayuu soo baxay warka sheegaya in tababarihii hore ee Chelsea iyo Real Madrid ee Jose Mourinho uu qarka u saaran yahay kooxda horyaalka Turkiga ee Fenerbahce, waxaana markii dambe la xaqiijiyey in uu dhan yahay heshiiska labada dhinac oo uu laba sannadood yahay, inkasta oo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.
Kooxda ka dhisan magaalada Istanbul oo xilli-ciyaareedkii tegay ku dhamaysatay kaalinta labaad iyadoo laba dhibcood ka dambaysay Galatasaray oo horyaalka ku guuleysatay markii ay urursatay 99 dhibcood iyadoo halmar oo kaliya laga badiyey, ayaa waxa hadda uu Mourinho dagaal ugu geli doonaa sidii uu horyaalka gacanta ugu soo gelin lahaa.
Sannadkii 2016, Jose Mourinho oo tababare u ahaa ayaa waxa 2-1 kaga adkaatay Fenerbahce, waxaana waqtigaas uu sheegay hadal dhaxalgal ahaa oo maanta dib u qabsaday warbaahinta, waxaanu xilligaas yidhi: “Kubadda cagtu ma aha tayada oo kaliya, waa dedaal iyo naf-hur, waa in aad ku ciyaarto illaa heerkaaga ugu dambeeya. Jawiga garoomada ee halkan [garoonka Fenerbahce] mar walba waa sidan, gool ayay waqti hore kaa dhalinayaan, waana waxa ay doonayaan kooxaha kaasoo horjeeda.
“Kooxaha reer Turkey gool ayay kaala hormarayaan, kaddibna way isdifaacayaan waxaanay kugula ciyaarayaan weerar rogaal-celis ah. Sidaas ayay nagu sameeyeen annagana [Man United].”
Mar la weydiiyey waxa ay gaarka ku yihiin kooxaha reer Turkey, waxa uu Mourinho ku jawaabay: “Anigu marar badan ayaan la ciyaaray kooxaha reer Turkey, ciyaartoydana waan u sheegaa khibradda aan u leeyahay. Marka aad garoonkaaga kula dheelayso, mar walba way fududdahay inaad kaga badiso 2-0 ama 4-0, laakiin marka aad timaaddo Turkey sheekadu way ka duwan tahay. Waa in aad diyaar u noqoto wax ka duwan ciyaartii hore.”